Deegaan hoostaga degmada Ceel-Afweyn oo katirsan gobalka Sanaag ayaa laga soo sheegayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada ku dhaqan halkaas.
Deegaanka oo ay ku dhufatay abaar aad udaran ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada, taas oo ay usii dheer tahay xaalado adag oo dhanka nolosha ah oo ay dadku dareemayaan.