Dowladda Fedaraalka ayaa mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda hanaanka ay wax uwaddo ku amartay inuu ka guuro hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa galabnimadii shalay tegay, hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Koofi Aadan oo ah Xoghayaha Mucaaradka kasoo horkeeda Dowladda Fedaraalka, ahna Musharrax utaagan xilka madaxtinimada ee maamulka la baxay Galmudug.
Koofi ayaa sheegay in saacaddu markii ay ahayd 4:00 galabnimo ay gurigiisa yimaadeen askar ka socota maamulka gobolka Banaadir, kuwaasoo ku amray inuu ka guuro xaafadda.
Siyaasigan ayaa sheegay iney horay usoo gaartay farrin digniin ah oo sheegeysa in mucaaradka ka aragtida duwan Dowladda Fedaraalka lagu beegsanayo.
Ugu dambeyntii ninkan ayaa hadal hanjabaad ah udiray Dowladda Fedaraalka, wuxuuna ku hanjabay in haddii ay baalmarto xeerarka udegsan ay wada siman yihiin taasna ay ogaato.