Donald Trump oo ah Madaxweynaya Mareykanka ayaa waxa uu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay tahay mid fashilantay, islamarkaana ay dalka Soomaaliya ka dhigtay mid aan xasillooneyn.
Trump oo ujawaabayay Ilhaan Cumar oo katirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay hareeyeen faqri, colaado iyo dambiyo dagaal, dalka Soomaaliyana ay ka dhigtay dalka aduunka ugu xun sida uu hadalka udhigay.
Isagoo la hadlayay Ilhaan Cumar ayuu sheegay, in looga baahan yahay sidii ay wax uga badali laheyd xaaladda Dowladda Fedaraalka, intii ay ku mashquuli laheyd Mareykanka.