Gumaystaha Yahuudda ayaa kusii karaar qaadanaya xasuuqa iyo majaazirta uu ka geysanaya marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo tirada dadka ku shahiiday gumaadka iyo xasuuqyada uu ka geystay marinka Qazza tan iyo waaberigii Talaadadii ay gaartay ugu yaraan 90 qof, kuwaas oo intooda badan ahaa dad ay guryahooda kasoo saartay macluul iyo gaaj aad u daran.
Wararkii ugu danbeeyay ee marinka Qazza ayaa ku waramay, in diyaaradaha Yahuudda ay duqeeyeen teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla Xaafadda Shujaaciyah ee bariga magaalada Qazza, halkaas oo ay shahado iyo dhaawac ku noqdeen dad aan tara-dooda la garanaynin.
Sidoo kale, Sadex qof ayaa ku shahiiday, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha Yahuudda maanta la beegsadeen Waddada Mansuur ee xaafadda Shujaaciyyah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Isbitaalka Al-Macmadaani ee magaalada Qazza.
Shan qof oo rayid ah oo ay ku jireen carruur ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay duqeeyeen guri ku yaalla magaalada Deyrul-Balax ee bartamaha marinka Qazza.
Sidoo kale, Shan qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada gumeystaha Yahuuddu ku fureen dad gargaar ku sugayay wadada Salaxu-Diin ee bartamaha marinka Qazza.
Warbaahinnada maxalliga ah ee Falastiin ayaa sheegay, in ciidammada Yahuudda ee guumaysiga ah ay toogasho ku dileen tobannaan dhallinyaro ah oo gargaar ku sugayay isgoyska Netzariim ee badhtamaha Qazza, iyagoo maydkooda ku tuuray ceel, kadibna diiday in maydadka shuhadada laga soo saara ceelkaas.
Si guud dadka ku shahiiday marinka Qazza tan iyo waaberigii maanta oo Arbaco ah ayaa gaaray, 21 qof rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen Tobaneeyo kale, kuwaas oo ku shahiiday ama ku dhaawacmay duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza, sida ay sheegeen Ilo-caafimaad oo ku sugan cisbitaallada Qazza.
Geesta kale, Ciidamada Yahuudda ayaa qirtay, in sarkaal iyo lix askari looga dilay dagaallo ka dhacay koonfurta marinka Qazza, iyadoo ciidamada Sahaayinada ay sidoo kale qirteen, in 16 askari oo kale ay uga dhaawacmeen iska caabin ka dhacday magaalada Khaan Yuunis, halka warbaahinta Yahuudda ay sheegeen, inuu dhaawaca intaasi ka badan yahay oo uu gaarayo, illaa 17 askari.
Waxayna ciidanka Yahuudda xuseen, in 7-da askari ee laga dilay ay gabi ahaan gubteen kadib markii gaari ay la socdeen lagula qarxiyay magaalada Khan Yuunis, taas oo ay warbaahinta Yahuuddu ku tilmaameen mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu adkaa ee ciidankooda la kulmeen bilihii la soo dhaafay.
Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay muqaawamada Falastiin, waxa uuna kusoo beegmaya xilli ay soo noqnoqdeen weerarrada ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiintu ku beegsanayaan ciidamada gumaystaha Yahuudda ee duulaanka kusoo galay koonfurta iyo waqooyiga marinka Qazza gaar ahaan magaalada Khan Yuunis.