Ilo sirdoon oo ay heshay shabakada warbaahineed ee CNN oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday, in weeraradii milatari ee uu Mareykanku ku qaaday saddexda xarumood ee ugu muhiimsan Nukliyeerka Iiraan aysan gebi ahaanba burburin xarumaha, balse ay kaliya dib u dhigeen hawlgalka Iiraan muddo dhowr bilood ah. Warkan oo lagu saleeyay qiimayn ay samaysay hay’adda sirdoonka gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaano DIA, ayaa tilmaantay in weeraradaasi aysan saameyn weyn ku yeelan kaydka Yuraaniyowmka ee Iiraan.
Weeraradan oo dhacay Sabtidii la soo dhaafay, iyada oo ay ciidamada Mareykanku isticmaaleen wax ka badan toban bam oo xoog leh, ayaa haddana ilahan sirdoon waxay muujiyeen in dhuumihii xarumaha la beegsaday ay badankoodu weli taagan yihiin, islamarkaana kaydka Yuraniyowmka ee Iiraan uu weli sidiisii yahay.
Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam ayaa horay si kulul uga hadlay weerarada uu ka fuliyay gudaha Iiraan, isaga oo sheegtay inuu si buuxda u burburiyay awooddii Nukliyeerka ee Iiraan, sheegashadan oo uu marar badan kusoo celiyay, ayaa hatan wajahaysa fadeexad wayn kaddib markii, qaar kamida sirdoonka xukumadiisu ay ka shifeen in dhamaan sheegashooyinkaas ay wax kama jiraan yihiin, Taraamna uu ku faanayo wax mala awaal ah.
Warbixinta ay baahisay shabakada CNN oo soo xiganaysa sadex ilo oo xog ogaal u ah qiimaynta khasaaraha ee uu diyaariyay Taliska Dhexe ee Mareykanka Sentikoom, ayaa sheegeysa in saameynta dhabta ah ee weerarkan ay tahay oo kaliya dib u dhac aan ka badnayn lix bilood oo ku yimaada barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.
Inkasta oo maamulka Taraam uu diidan yahay xogta ay baahisay shabakada CNN, hadana dhamaan xogahan ayaa muujinaya, in Iiraan ay weli awood u leedahay inay dib u bilowdo barnaamijkeeda Nukliyeerka, taas oo walaac weyn ku abuurtay xulafada Maraykanka ee gobolka, gaar ahaan Yahuudda oo dadaal badan ugu jirtay sidii ay u burburin lahayd Nukliyeerka Iiraan.