Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in dagaalka ay ka waddo Soomaaliya uusan wax weyn ka geysan ka hortagga weerarada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo taqadumka ay ka sameynayaan degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah.
Tan iyo horraantii sanadkan 2025 markii uu Donald Trump lawareegay talada Mareykanka ayuu sare uqaaday weerarada xagga cirka ah ee diyaaradihiisa aan duuliyaha laheyn ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya iyagoo xasuuqaya dad rayid ah.
Jethro Norman oo ah cilmi baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ee Denmark ayaa sheegay, in Soomaaliya ay noqotay goob Trump uu ku muujiyo awoodda ciidankiisa isagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Washington ay taageero siinayso Dowladda Fedaraalka, sidaas oo ay tahayna aysana taageeradaas wax isbedel ah ka sameyn saaxada dagaalka taas bedelkeedna Dowladda Fedaraalka ay noqotay mid taakdaran oo ka arradan dhanka siyaasadda iyo amniga intaba.
Bilo kooban kadib markii uu Trump talada lawareegay ayey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaadeen olole dagaaleed baaxad leh kaasi oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ugala wareegeen degmooyin iyo deegaanno katirsan labada shabeelle iyo Bariga Hiiraan, arrinkaas oo ceel kusii ridayay isku dayadii uu Mareykanku ku garabsiinayay ciidamada Dowladda Fedaraalka.