Xasan Sheekh Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa shalay aqlka Madaxtooyada ee looga arrimiyo Dowladda Fedaraalka kula shiray, xubno katirsan mucaaradka oo uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmad.
kulankan oo ahaa mid hor dhac ah sida ay sheegeen, ayaa waqti kooban socday waxaana war kasoo baxay Dowladda Fedaraalka lagu sheegay in mar kale la isku soo laaban doono.
Hadaba su’aasha la is waydiinayo ayaa ah, maxaa kulan deg dega ah kusoo beegay xilligan?, maadaama uu dhicisoobay kii la wada ogaa ee ay ku gacan-seyreen mucaaradku, waxaa su’aashaasi laga wareystay Injineer Idriiis Xasan Faarax oo ku nool dalka dibaddiisa, wuxuuna ka hadlay arrinta uu ubadinayo iney ku qasabtay Xasan Sheekh qabashada shirkan.