Thursday, June 26, 2025
HomeAll NewsKhasaare Xooggan oo ka Dhashay Dibadbaxyo Maalintii 02aad oo Xiriir ah ka...

Khasaare Xooggan oo ka Dhashay Dibadbaxyo Maalintii 02aad oo Xiriir ah ka Socda Kenya.

Boqolaal Qof oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Mudaharaadyada Xooggan ee Ka Socda Magaalooyinka waa wayn ee Dalka Keenya.

Waxaa sii xoogeysanaya dibad-baxyada ka socda dalka Keenya, iyadoo mudaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda ay tan iyo shalay gilgileen magaalada caasimadda ah ee Nayroobi iyo magaalooyin kale oo muhiim ah sida Mombaasa, Kisuumu iyo Naakuru. Kacdoonkan oo si weyn looga dareemay inta badan gobalada dalka ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal qof oo ka tirsanaa dadkii dhigayay mudaharaadyada iyo qaar kamida ciidamada Booliiska ee dalkaas.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 16 qof ayaa lagusoo waramayaa inay ku nafwaayeen dibad-baxyadaas, halka in ka badan 400 oo qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan dad si xun uga dhaawacmay rasaas nool-nool oo ay adeegsadeen laamaha Booliiska ee ka hor-taga ku samaynayay dadka caraysan.

Wararka laga helayo goobaha rabshaduhu ka dhaceen ayaa sidoo kale sheegaya, in boolisku ay adeegsadeen cudud ciidan oo xad dhaaf ah, iyagoo isticmaalaya gaaska dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas nool-nool, taas oo kor dhisay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka dhigayay dibad-baxyada.

Dad badan oo ka qayb galay mudaharaadyada ayaa si adag uga hadlay sababta ka dambaysa kacdoonkooda, iyaga oo sheegay in ay ka gadoodsan yihiin musuqmaasuqa, cadaalad darrada, iyo sicir bararka saameeyay noloshooda maalinlaha ah. Waxa ay sheegeen in dowladdu ay lumisay kalsoonidii lagu qabay, isla markaana shacabka lagusoo rogay canshuuro dheeraad ah, iyadoo aan jirin adeegyo la taaban karo oo ay ka helaan dawladda.

Waxaa fagaarayaasha waawayn ee magaalooyinka sida Nayroobi iskugu soo baxay kumanaan qof oo caraysan, kuwaas oo ku qaylinaya erayo lid ku ah dawladda haatan talada dalkaa haysa ee uu hogaamiyo Wilyam Ruutu, kuwaas oo wacad ku maray inaysan joojinayn kacdoonka illaa xilka laga tuuro xukuumada haatan joogta.

Dalka Keenya ayaa horey u marti galiyay mudaharaadyo waa wayn oo sababay duruufo dhaqaale iyo muran siyaasadeed, balse kacdoonkan cusub ayaa u muuqdaa mid haya jiho adag oo ka duwan kuwii hore, waxaana la saadaalinayaa in xaaladdu ay kasii dari karto maalmaha soo socda, iyada oo dadka mudaharaadaya ay sheegayaan inay sii wadi doonaan kacdoonka illaa laga helo hoggaan dhab ah oo u adeega danahooda, halkii uu ka adeegsan lahaa awood ciidan.

Halkaan ka Degso Falanqeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.