Qoysas ku nool degmada Warsheekh ee gobolka Sh/Dhexe ayaa cabasho ka muujinaya dhulboob ay Dowladda Fedaraalka iyo shirad Turki ah kawadaan dhul-daaqsimeed iyo dhul beereed udhaw magaaladaasi.
Sida dadka degaanku ay sheegeen waxaa dhulkooda si gaar ah boob ugu haya labo shirkadooda oo mid ay tahay shirkadda Turkida ee Albeyrak iyo shirkad lagu magacaabo Docol, waxayna sheegeen iney Dowladda Fedaraalku horkaceyso shirkadahan iyaduna wadato.
Arrinta ay sida gaar ah cabashada ay uga muujiyeen ayaa ah in ay halkaasi dhagaxyo waaweyn oo shub ah soo dhigeen Dowladda Fedaraalka iyo shirkadahan ay wadato, iyagoo huwan magaca mashruuc iyo iney hormariyaan degaanka sida ay hadalka udhigeen, balse waxay dadka degaanku fahmeen ujeedka rasmiga ah oo ah in halkaasi la rabo in laga dhiso goob laga diro dayac gacmeed ay dowladda Turkigu wadato.
Odayaasha degaanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo arrintan ku baraarugay ayaa hubkooda qaatay, waxayna sheegeen inaan dhulkaasi laga boobikarin islamarkaana ay difaacanayaan.