Yuusuf Dhuumaal oo ah Wasiirka Amniga ee maamulka la baxay Jubbaland ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in ciidamo ka tirsan Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland ay isku hor fadhiyaan magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo.
Dhuumaal ayaa waxa uu sheegay in ay quryaha kasoo uruurin doonaan ciidamada Dowladda Fedaraalka, islamarkaana aan la ogolaan doonin in wax maamulkooda aheyn ay hub sii heystaan.