Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dalka Kenya ka dhacay isku dhacyo xooggan oo udhaxeeya ciidamada Booliska Xukuumadda Nairobi iyo dad rayid ah oo careysan.
Isku dhacyo ka dhacay magaalo katirsan ismaamulka Nyandarua ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu gubay, 26 gaadiid ah oo kamid ah gawaarida ismaamulkaas.
Sidoo kale dadka careysan ayaa waxa ay dab qabadsiiyeen Mooto oo ay adeegsanayeen saraakiisha Booliska ee Dowladda Kenya.