Waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland ee ka taagan magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo.
Arrintaan ayaa waxaa lasoo warinayaa iney saameyn ku yeelatay dadka ku dhaqan magaalada Baladxaawo, iyadoona maamulka la baxay Jubbaland uu Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay iney xirtay isku socodka magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera oo ay gumeysato Kenya.
Gudoomiyaha magaalada Baladxaawo ugu magacaaban maamulka la baxay Jubbaland ayaa waxa uu sheegay, in iyagu ay ka arrimiyaan magaaladaas, tallaabada ay qaaday Dowladda Fedaraalkana ay saameyn ku yeelatay magaalada.