Saturday, June 28, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaadka FANO oo Guulo ka Sheegtay Dagaallo ka Dhacay Dalka Itoobiya.

Maleeshiyaadka FANO oo Guulo ka Sheegtay Dagaallo ka Dhacay Dalka Itoobiya.

Dalka Itoobiya waxaa wali ka holcaya dagaallo culus oo udhexeeya ciidamada Dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka ka dhisan gudaha dalkaas.

Kooxda Amxaarada ee FANO ayaa waxa ay sheegtay, in weeraro ballaaran ay ku qaaday fariisimayaal dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Itoobiya.

Waxay kooxdu sheegtay in magaalooyin dhowr ah ay ka fuliyeen weerarada, kuwaas oo ay ugu horreyso magaalada Gojjam, halkaasna ay ku laayeen ciidamo badan.

Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay dhankeeda goor sii horreysay baahisay, maxaabiis iyo hub ay sheegatay iney ka qabsatay maleeshiyaadka FANO.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.