Roobab daadad wata ayaa ka da’ay qeybo kamid ah dhulka Xarakameynka, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Boqallaal guryo ah oo ku yaalla magaalada Jiddah ayay ku fataheen daadka, waxaana roobabku ay da’ayeen muddo saacado ah.
Dadka ku dhintay daadadka ku fatahay magaalada Jiddah waxaa kamid ah haweeney Soomaali ah, waxaana ay sidoo kale daadadku qaadeen gaadiid ay dad la socdeen.
Haweeneyda dhimatay ayaa waxa ay Jaaliyadda Soomaalida ee Sucuudiga sheegeen in ay biyo daad ah qaadeen kadibna ay ku tuureen goob ay daadsanaayeen fiilooyinka korontada sidaasna ay ku dhimatay.