Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro isugu jira qarax iyo mid qorsheysan ka fuliyeen, magaalooyinka Baladweyne iyo Baardheere oo ka kala tirsan goballada Hiiraan iyo Gedo.
Haddaan ku horreyno gobalka Hiiraan, waxa ay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab magaalada Baladweyne ee xarunta gobalkaas ka fuliyeen, howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday askari katirsan Dowladda Fedaraalka.
Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay askariga la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Faarax Ruway, halka sidoo kalana laga furtay qorigii uu ku hubeysnaa.
Dhanka gobalka Gedo, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah ka fuliyeem, gudaha magaalada Baardheere ee gobalkaas.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa Sirdoonka, waxaana lasoo warinayaa inuu khasaare ka dhashay weerarka.