Kulankaan oo socday muddo maalmo ah islamarkaana ay barbar socotaay dowro sharci ah ayaa waxa uu dhexmaray, odayaasha iyo waxgaradka jufada Waasuge ee katirsan beesha Gaaljecel iyo maamulka islaamiga ah ee Hiiraan.
Kulanka oo ay sidoo kale jufadu ku dooraneysay nabadoon ayaa waxaa kasoo baxay bayaan, odayaasha dhaqanka ee jufada oo goobta ka hadlay ayaana sheegay iney dhaqan galin doonaan qodobada lagu hishiiyay.
Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan oo munaasabadda ka hadlay ayaa dardaaranno ujeediyay odayaasha jufada Waasuge ee katirsan beesha Gaaljecel.