Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsCiidamada Shisheeye oo Dil iyo Dhaawac ka Geystay Duleedka Degmada Afgooye.

Ciidamada Shisheeye oo Dil iyo Dhaawac ka Geystay Duleedka Degmada Afgooye.

Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa kordhiyay dhibaatooyinka ay geysanayaan duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay madaafiic ku garaaceen, deegaanno dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.

Habeen hore madaafiic ay ku garaaceen tuulo ku taalla duleedka degmada Afgooye ayay ciidamadu ku dileen 2 haween ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dumar ah.

Dadka ay beegsadeen waxaa kamid ah hal qoys oo dhameystiran, kuwaas oo ay guryaha ku dumiyeen, ayna dhac ugeysteen dadkaa rayidka ah sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.

Halkaan ka Degso Warka Shisheeyaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.