Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal Muslimiin oo Bishii Dulxajah Dishay in ka Badan 500...

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo Bishii Dulxajah Dishay in ka Badan 500 oo Askari.[TIRAKOOB]

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa soo bandhigay Footagaraafiga tirakoob guud oo ay ka sameeyeen hawgaladii jihaadiga ahaa ee dhacay bishii lasoo dhaaftay ee Dul-Xijjah 1446 Hijri. Tirakoobkan oo kusoo baxay luuqadaha Carabiga, Ingiliishka iyo Faransiiska ayaa loogu magac daray miraha hawgalada jihaadiga ah ee galbeedka Afrika, waxaana lagusoo bandhigay tirada askarta la dilay iyo weerarada ay mujaahidiintu ku qaadeen ciidamada dowladahaas iyo kuwa shisheeyaha ah ee duulaanka ku jooga gobalka.

Waxaa tirakoobka ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah,  lagu daah furay cadadka askarta lagu dilay hawgaladii jihaadiga ahaa ee dhacay bishii ina dhaaftay ee Dul-xijjah, tirada askarta iyo saraakiisha nafta la dhaafiyay bishaas ayaa gaartay illaa 503 askari oo iskugu jira ciidamada maxaliga ah ee dalalka galbeedka Afrika iyo calooshood u shaqaysayaasha murtazaqada Fagnar, kuwaas oo ku dhawaaqay ka bixitaanka gabi ahaanba dalalka galbeedka Afrika, kaddib markii ay u adkaysan waayeen dhiigbaxa joogtada ah ee ay kala kulmayaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Tirakoobkan kasoo baxay mujaahidiita ayaa sidoo kale lagu xusay, fulinta  in ka badan 40 weerar oo cagta lagu mariyay saldhigyo ciidan, kuwaas oo si dhamaystiran loo burburiyay. Waxaa intaas dheer, in ay jihaadiyiintu qaadeen illaa 4 hawlgal oo kamiin ahaa oo lala eegtay kolonyo askar ah oo iskaga kala gooshayay gobalada dalalkaas.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa bishii lasoo dhaafay ee Dul-xijjah fuliyay 41 qarax oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo lagu burburiyay gawaari dagaal, sida lagu sheegay tirakoobka guud ee ay soo saartay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah, qaraxyadan ayaana hakad galiyay isu socodka ciidamada dawladaha galbeedka Afrika, gaar ahaan inta badan gobalada ay ku xooggan yihiin Jihaadiyiinta.

Taqriirkan soo bandhigaya tirakoobka hawgaladii dhacay Bishii ina dhaaftay waxaan sidoo kale ka marnayn tirada weerarada Inqimaasiga ah ee ay fuliyeen guutada Istishhaadiyiinta ee Jamaacada Nusrtaul Islaam Wal-Muslimiin. Magaalada Bomaako ee caasimada Dalka Maali ayaa bishii ina dhaaftay ee Dul-Xijjah martigalisay hawgal culus oo inqimaasi ahaa, kaas oo lagu daahfuray qarax istishhaadiyo ah, weerarkan oo ka dhacay bartamaha xarumo muhiim u ah dawladda Maali ayaa lagu dilay tabanaan xubnood oo iskugu jira askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dawladda.

Dhanka hubka, mu’assasada Az-Zallaaqah oo soo saartay taqriirkan ku qornaa luuqadaha kala duwan ayaa sidaas si lamida tirakoob guud ku samaysay gaadiidka dagaal ee lagu gubay, kuwa lagu furtay iyo hubka lagula wareegay dagaaladii dhacay bishii dhamaatay ee Dul-Xijjah. Sida lagu xusay taqriirka, waxaa gabi ahaanba la gubay 111 gaari oo ay kamid ahaayeen taangiyo dagaal, iyada oo gacanta lagu dhigay 17 kale, waxaa sidoo kale gaadiidka lagu furtay dagaaladan qayb ka ahaa 139 mooto oo ah nooca laba lugooda.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa sidoo kale hawgaladan jihaadiga ah kula wareegay 533 qori oo iskugu jira hubka fudud iyo kuwa culus, waxaa intaa dheer oo ay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen 23 askari oo maxaabiis ahaa, kuwaas oo lagusoo qabtay dagaal culus oo ka dhacay dalka Maali bishii ina dhaaftay, sida lagu xusay tirakoobka hawgalada bisha Dul-xijjah oo ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Mu’assasada ayaa looga bartay inay bilwalba dhamaadkeeda baahiso tirakoob guud oo lagu xusayo guulaha ama futuuxaadka ay ku talaabsadaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, bishii ina dhaaftay ee u dambaysay sanadka 1446 Hijriyah ayaa ahayd mid kamida bilaha ugu guulaha badan ee Jihaadiyiinta, taas oo sababtay in ciidamada Murtazaqada Fagnar ay isaga cararaan fagaaraha dagaalka, iyada oo dawladda Ruushka oo ay wakiil kaga yihiin dagaalka ay ku dhawaaqday wax ka badalka siyaasada ay ku wajahayso gobalka Saaxilka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.