Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dibadbaxyadii waaweynaa ee dhawaan ka dhacay qeybo kamid ah dallka Kenya oo ay ugu horreyso magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Mid kamid ah hey’adaha sheegta iney udoodaan xuquuqda aadanaha ee ka howlgala dalka Kenya laguna magacaabo KNHCR ayaa soo saartay, warbixin horduhac ah oo ay ku muujineyso, xadgudubyo ay sheegtay iney yihiin kuwa ka dhan ah xuquuqul insaanta oo dhacay mudadadii ay rabashaduhu socdeen.
Waxa ay sheegtay in ugu yaraan 19 ruux lagu dilay dibadbaxyada maalmo kahor ka billawday dalka Kenya, halka ay ku dhaawacmeen 531 kale.
Hey’adda ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay, in ugu yaraan 15 ruux oo rayid ah la kaxeystay intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhacay dalka Kenya, kuwaas oo aan la ogeyn halka jaan iyo cirib lala aaday.
Halkaan ka Degso Faahfaahinta.