Dowradan loosoo xiray macallimiinta beesha Garre qeybteeda degna gobolka Sh/Hoose, ayaa socotay muddo lix bilood ah, waxayna ku qaateen duruus kala duwan.
Munaasabad geba gabagabo u ahayd dowradan oo ay kasoo qeybgaleen marti sharaf kala duwan, ayaa ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/Hoose, waxaana warbixintan inooga diyaariyay Wariyaheyna Mubaarak Cumar oo ka qeyb galay.