Dowladda Fedaraalka oo Turkiga u hirgalisay mashruuc lagu boobayo dhaqaalaha dalka iyo bulshada Soomaaliyeed oo kasoo horjeestay arrinkaas.
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeestay, mashruuc dhaqaale boob ah oo ay Dowladda Turkiga ka fulineyso Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh ayaa waxa uu dhagax dhigay, mashruuc lagu boobayo dhaqaalaha dalka oo ay wado Dowladda Turkiga, kaas oo xarun dayac-gacameed iyo xarumo kale kaga hirgalinayaan degmada Warsheekh ee gobalka Sh-dhexe.
Bulshada ku dhaqan Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen, in mashruucaas uu yahay mid lagu marin habaabinayo bulshada, dhibaatooyinna ay ku wajahayaan magaalada Muqdisho.