Askartan oo warbaahinta la hadlay ayaa laga dheehanayay xaaladda liidata ee ay kujiraan waxaana kamid ah kuwa aan si iskood ah u istaagi karin oo biro ku soconaya.
Waxay sheegeen ineysan jirin wax loo qabtay, lacagtii iyo dawooyinkii loogu talagalayna guddi loo magacaabay ayey ku eedeeyeen inuu qaatay islamarkaana gatay dawooyinkii.