Maamulka ay Dowladda Kenya ka dhisatay dhulka NFD ayaa dhulboob ka wada deegaanno kaatirsan gobalka Wajeer ee ay gumeysato Kenya.
Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay dhulka NFD oo ku hoos jira gumeysiga Kenya kusii kordhayeen dilalka iyo tacadiyaadka ay wajahayaan bulshada ku dhaqan dhulkaas, ayaa waxa uu maamulka ay Kenya ka dhisatay gobalka Wajeer billaabay inuu boobo dhulka dadka rayidka ah.
Odayaasha ku dhaqan deegaanka Adamasajida oo katirsan gobalka Wajeer ayaa waxa ay si adag uga soo horjeesteen, dhulboob ay wado Wasaaradda Dhulka ee maamulkaa ay Dowladda Kenya ka dhisatay gobalka Wajeer.
Waxa ay sheegeen in aysan marnaba dulmi qaadan doonin, haddii arrintaas lagu dhaqaaqana ay ka dagaallami doonaan.