Maxamed Cumar Dalxa oo ah xildhibaan hore ayaa waxa uu xaqiijiyay, in ciidamada Dowladda Fedaraalka ay dhibaatooyin kala duwan kala dawaan deegaanno katirsan gobalka Sh-hoose.
Waxa uu tilmaamay in dad badan oo shacab ah ay askartu ka qafaasheen deegaanno dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Dadkaas ayuu sheegay in la geeyay xarumo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana markii lasoo qabanayay uu xusay iney ahaayeen dad ku jiray howl-maalmeedkooda.