Dadka reer Qazza ee ay dowladaha reer Galbeedku isu bahaysteen gumaadkooda ayaa saaka ku waabariistay maalin cusub oo ay ku hoos nool yihiin duqeymo joogta ah, awaamiir lagu barakicinayo iyo go’doomin, taasoo ka reebaysa waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.
Kayyaan Yahuudda ayaana maanto duqeymo fara badan ku qaaday deeganno kala duwam oo ka tirsan marinka Qazza, isagoo si gooni ah duqeymo burburin ah ula dhacay guryaha magaalada Qazza, kuwaas oo sababay shahiidka iyo dhaawaca dad rayida ah.
Afar qof ayaa ku shahiiday duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ka geysteen xerada qaxootiga Shaadhi ee galbeedka magaalada Qazza.
Sidoo kale, Hal qof ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuuddu ku qaadday iskuul ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla xaafadda Azaytuuun ee koonfurta magaalada Qazza.
Ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa warbaahinta u sheegaya, in ciidamada gumeystaha ay howlgallo ballaaran oo burburin ah ka wadaan xaafado ku yaalla bariga magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.
Xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamada Yahuudda ay burburiyeen in ka badan 19 guri, iyadoo dadkii deganaa ay ku jireen, tan iyo waaberigii Axaddii shalay, guryahaas oo ku yaallay xaafadda Attuffaax ee ka tirsan magaalada Qazza iyo deegaanada Jabaliyal-Balad iyo Al-Nazla ee waqooyiga marinka Qazza.
Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay, in ciidamadooda cirka ay maanta duullaan ballaaran oo xooggan ku qaadeen marinka Qazza, taas oo lagu micneeyay burburinta guryaha rayidka.
24-kii saac ee la soo dhaafay, 72 qof ayaa ku shahiiday weerarro ay Yahuudda xaaqidiinta ah ku qaadeen gooba kala duwan oo ka tirsan xaydaabka go’doonsan ee Qazza.
Geesta kale, golaha wasiirada ee kayyaanka Yahuudda ee xoogga ku haysto dhulka Falastiin ayaa shalay oo Axad ahayd ka shiray arimo ku saabsan dagaalka Qazza iyo hadalladii dhawaan kasoo baxay madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam ee ku saabnaa dagaalka Qazza.
Warbaahinta Yahuudda ayaa galabnimadii shalay sheegtay, in shirkaas uu soo idlaaday iyadoo aysan jirin wax go’aan ah oo laga gaaray dagaalka Marinka Qazza, marka laga soo tago, in wasiiradii ka qeyb galay kulanka ay rajo wanaagsan ka muujiyeen suurta galnimada, in heshiis kumeel gaar ah lala galo muqaawamada Falastiin, si ay usoo ceshtaan maxaabiistooda ku xiran marinka Qazza.
Arimahana ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada Yahuudda – oo dhiig bax kala kulmaya kooxaha wax iska caabinta ee Falastiin – ay sheegeen inay kasoo horjeedaan, in Qazza si buuxda loo qabsado, taas badalkeedana ay soo jeedinayaan in la galo heshiis maxaabiista is dhaafsi ah.