Maxkamadda maamulka la baxay Jubbaland ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose ayaa waaran soo qabasho ah ujartay Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
War kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay, in Xasan Sheekh uu jabiyey qodobbo badan oo ku xusan Dastuurka Dowladda Fedaraalka, isla markaana uu ku kacay Khiyaamo Qaran sida lagu xusay warqadda.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo shalay maxkamadda gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka ay soo saartay amar lagu soo qabanayo Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland.
Waxaa faraha kasii baxeysa xiisadda udhexeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland, taas oo cirka isku shareertay wixii ka dambeeyay markii doorasho uu maamulka ku qabsaday Kismaayo dib loogu doortay Axmed Madoobe.