Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay dalkeeda kasoo musaafurisay Hanad Xasan oo ah wiil dhalinyaro Soomaali ah, kaas oo sanado kahor Mindi ku dilay wiil lagu Magacaabo Kiyan Prince.
Dilka uu geystay hanad ayaa waxa uu ka dhacay banaanka iskuul ay wada dhiganayeen isaga iyo wiilka uu dilay, waxaana xilligaasi lagu xukumay muddo 13 sano oo xabsi ah.
Xilligii uu dilka geysanayay ayay da’diisu aheyd 17 sano, waxaana dilka uu geystay uu dhacay bishii May sanadkii 2006-di, waxaana uu dilkaasi ka dhacay xaafad ku taalla magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.