Dabkan oo ah mid xooggan islamarkaana sababay khasaare hantiyeed ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka kacay dhul-beereed ku dhaw buurta Daalo ee gobolka Sanaag.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, halkaasi waxaa ku baaba’ay beero aad u farabadan, iyadoona uu dabka sii xogeysanayo marba marka ka dambeysa.
Sida uu sheegay wasiirka beeraha ee Maamulka la baxay Soomaaliland, waxaa uu dabkan baabi’yay in kabadan 220 beerood oo ku yaallo halka uu dabka ka kacay.