Wednesday, July 2, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo ka Carootay Xaqiiqada Dhabta ah ee Dagaalka ka Socda...

Dowladda Fedaraalka oo ka Carootay Xaqiiqada Dhabta ah ee Dagaalka ka Socda Gobalka Hiiraan.

Dowladda Fedaraalka ayaa aad uga walaacsan xaaladda qalqalka ah ee haysata ciidamadeeda ku sugan gobolka Hiiraan iyo horumarada dagaal ee ay sameyneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxaa aad usii hordhay walaaca ay Dowladda Fedaraalku ka qabto natiijada marba marka ka dambeysa kasoo baxaysa dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ee lagu jabinayo ciidankooda iyo qoobgariirka ay wajahayaan.

Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka Axmad Macallin Fiqi ayaa kamid ah mas’uuliyiinta aad uga walaacsan xaaladaha cabsida ee ay ciidankooda ku sugan Bariga Hiiraan la nool yihiin, wuxuuna maraya heer uu dhibsado in laga hadlo halka ay wax marayaan iyo dhinaca guulaha kasoo hooyay goobaha dagaalka.

Fiqi ayaa aad uga carooday wararka isdaba jooga ah ee kaga imaanaya Bariga gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Moqokori iyo degaanada ku dhawdhaw ee ay warbaahintu soo tebineyso, wuxuuna war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facbook-ga, isagoo soo qaadanaya mid kamid ah warbaahinada reer galbeedka war ay ka qortay xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaasi iyo in ciidanka Xaraka Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegayaan degaano hor leh.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhibsaday oraah ay adeegsatay warbaahinta oo ahayd ”Al-Shabaab oo ku sii siqaya degaano hor leh oo katirsan gobolka Hiiraan” taasoo ah xogta xaqiiqda ah ee ka jirta fagaaraha dagaalka, wuxuuna dafiray wasiirku jiritaanka arrintaasi.

Isku soo wada duuboo ciidamada Dowaladda Fedaraalka ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada ay dagaalladu ka socdaan, ayaa wajahaya xaalad qalaqal iyo casbi ah, waxaana meelaha qoob-gariirka ugu daran ka jiro kamid ah magaalada Moqokori, oo ay askarta ku sugan halkaasi baqdin ka qabaan, iney kala wareegaan Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkaan ka Degso Warka Fiqi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.