Maamulka Yahuudda ayaa sii wada dagaalka aan kala joogsiga lahayn ee uu ku gumaadaya shacabka birimagaydada ah ee ku nool marinka Qazza, iyadoo 106 maalmood laga jooga tan iyo markii ay Yahuuddu jabisay heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee ay la gashay muqaawamada Falastiin isla markaana ay dib u bilawday xasuuqa, barakicinta iyo baa’bi’inta ka dhanka ah reer Qazza.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa dagaalka ee Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo xooggan ka fuliyay koonfurta, Waqooyiga iyo bartamaha marinka go’doonsan ee Qazza, kuwaas oo sababay shahiidka iyo dhaawaca Tobaneeyo ruux oo rayid ah oo u badnaa haween iyo carruur, sida ay tilmaamayaan xogaha kasoo baxaya marinka Qazza, marka intaasi laga daro, inay Yahuudda xaaqidiinta ah burburiyeen dhismayaal aad u badan iyo xaafado la deggan yahay, iyadoo macaluul baahsan ay ka jirto marinka Qazza, taas oo kasii darayso marba marka ka danbayso.
Hoolwadeennada dhanka caafimaadka ee hawgalo iisbitaallada Qazza ayaa shaaca ka qaaday, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay jiidda Qazza ku shahiideen 97 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jireen 33 qof oo ku shahiiday majzara ay Yahuuddu ka geysatay maqaayad ku taalla xeebta magaalada Qazza.
Ciidamada Yahuudda ee caadaystay daadinta dhiiga dadka abriyada ah ee ku nool marinka Qazza ayaa qirtay, in dad rayidka ah ay ku laayeen waxa loogu yeero xarumaha gargaarka lagu qeybiyo ee ku yaalla marinka Qazza, iyagoo sheegay, in gumaadkaasi ay ku fuliyeen awaamiir cusub oo la siiyay.
Geesta kale, Mareykanka ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay, inuu ansixiyay lacag dhan 510 Milyan oo Doollar oo lagu iibinayo qalabka lagu hago bambooyinka, kaas oo loo diraya kayyaanka Yahuudda ee xoogga ku haysto dhulka Falastiin, iyadoo lagu marmarsiyoonaya inay Yahuuddu hub fara badan u adeegsatay dagaalkii ay dhawaan la gashay dowladda Shiicada ee Iiraan.
Hay’adda iskaashiga ammaanka ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in hubkan uu kor u qaadi doono awoodda Yahuudda si ay isaga ilaaliso khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka imaan kara isla markaana ay hagaajiso waa Yahuudda ee awoodda ay u leedahay inay difaacato kaabayaasheeda muhiimka ah, iyo xarumaha dadweynaha.
“Maraykanku waxa ka go’an difaacidda Yahuudda, waana muhiim in danaha qowmiga ee Maraykanku ay ka caawiyaan Yahuudda horumarinta iyo ilaalinta awoodda ay u leedahay inay is-difaacdo”. Ayay bayaankeeda ku tiri Hay’addan Ameerikanka.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa ah kan ugu tunka wayn ee si muuqata iyo si dadban u taageero kayyaanka Yahuuudda ee xoogga ku haysto waddanka Muslimka ah ee Falastiin, isaga ayaana inta badan siiya diyaaradaha, gantaallada iyo bambaanooyinka uu har iyo habeen ku xasuuqaya ehelkeenna dulmi diidka ah ee ku nool marinka Qazza.