Wednesday, July 2, 2025
HomeAll NewsKhilaaf Siyaasadeed oo Ka Dhex Qarxay Dowladaha Ruushka iyo Azerbiijaan.

Khilaaf Siyaasadeed oo Ka Dhex Qarxay Dowladaha Ruushka iyo Azerbiijaan.

Xiisad siyaasadeed oo hor leh ayaa ka dhex aloosantay dowladaha Azarbiijaan iyo Ruushka, Kaddib markii ciidamada ammaanka Azarbiijaan ay Isniintii galeen xafiiska wakaaladda wararka Isbuut-niik ee laga leeyahay dalka Ruushka, taas oo si ku meel gaar ah uga shaqaynaysay magaalada Baakuu, halkaas oo ay ka qabteen suxufiyiin iyo shaqaale kale oo ka shaqeynayay xarunta.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Azarbiijaan ayaa lagu sheegay, in howlgalkani uu salka ku hayo dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah iyo xiriirro ay suxufiyiintaas la leeyihiin sirdoonada Ruushka, iyadoo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada dadka la xiray ama kiisaska gaarka ah ee ay basaaseen.

Warbaahinta Isbuut-niik ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday, in laba ka mid ah madaxda sare ee xafiiskooda Baakuu oo kala ah Agaasimaha Xafiiska Igoor Kartafiikh iyo Tafatiraha guud Yefgeni Belusof, lagu eedeeyay inay xiriir sirdoon la leeyihiin Hay’adda Amniga Federaalka ee Ruushka, taas oo si weyn uga caraysiisay xukuumada Moskow.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa si kulul u cambaareysay talaabada Azarbiijaan, waxayna sheegtay in xitaa la diiday in dublomaasiyiin Raashiyaan ah ay la kulmaan suxufiyiinta xiran, arrintaas oo Moskow ay ku tilmaantay, ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xorriyadda saxaafadda.

Talaabadan cusub ayaa daba socota go’aan ay dowladda Azarbiijaan horey ugu xirtay xafiisyo kale oo ay lahayd warbaahinta Isbuut-niik bishii Febraayo, taas oo qayb ka ahayd olole ballaaran oo lagula dagaalamayo saxaafadda shisheeye ee dalkaas ka howlgasha. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaysa in Isbuut-niik ay si aan rasmi ahayn uga shaqeynaysay magaalada Baaku illaa waqtigan, taas oo sababtay in hay’adaha amniga ay sii kordhiyaan kormeerka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.