Magaalada Al-Faashir ee caasimadda gobolka waqooyiga Darfuur ayaa marti gelisay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada milatariga Suudaan iyo maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah, Kaddib markii RSF ay qaaday weerar ballaaran oo lagu beegsaday fariisimaha ciidamada dowladda iyo xoogagga isku dhafka ah ee deegaanka oo ka barbar dagaalama kuwa dawladda. Weerarkan ayaa yimid, kaddib markii waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ay ugu baaqeen dhinacyada is haya inay qaataan xabbad-joojin bini’aadantinimo, si gargaar loogu gudbiyo dadka rayidka ah ee ku go’doonsan gudaha magaalada.
Weerarka ayaa ku bilowday duqeyn culus oo lagu bartilmaameedsaday xaafadaha bari iyo kuwa koonfur-bari ee magaalada, iyadoo ciidamada RSF ay adeegsanayeen, gawaari gaashaaman iyo diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ah. Ciidamada Suudaan ayaana si xooggan uga hortagay weerarkan, iyaga oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee hubka. Wararka laga helayo jiida hore ee dagaalka ayaa sheegaya, in maleeshiyaadkii weerarka qaaday dhabarka loo saariyay jab culus oo naf iyo maalba leh.
Marka laga soo tago khasaaraha milatari, dadka rayidka ah ee magaalada ku sugan ayaa wajahaya xaalad bini’aadantinimo oo aad u xun. Xaafado ay ka mid yihiin Abuu Shook iyo xeryaha barakacayaasha ayaa si gaara looga dareemay dagaalka, iyadoo madaafiicdu ay burburiyeen guryo badan oo ay daganaayeen dad rayid ah. Waxaa gudaha magaalada ku barakacay dad hor leh, iyadoo ay adag tahay in la gaarsiiyo gargaar degdeg ah.
Afhayeen u hadlay ciidamada isbahaysiga ee garabka siiya dowladda Suudaan ayaa sheegay, in ciidankoodu ay si adag u difaaceen magaalada Al-Faashir, isagoo sheegay in xooggaga RSF ay doonayeen inay jebiyaan difaacyada bari ee magaalada balse la fashiliyey qorshahooda. Waxaa uu xusay in ciidamada difaaca Al-Faashir ay sii wadi doonaan dagaalka illaa ay ka xaqiijinayaan badbaadada shacabka magaalada.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xili hadal kasoo baxay Qaramada Midoobay oo ku baaqayay xabbad-joojin laga hir galiyo magaalada Al-Faashir ay si cad u diideen maleeshiyaadka RSF, iyadoo qaar ka mid ah saraakiishoodu ay sheegeen in heshiiskan loogu talagalay, in hub iyo rasaas lagu gaarsiiyo ciidamada dowladda. Khubaro ka faalooda arrimaha Suudaan iyo xeel-dheerayaal caalami ah ayaa ku tilmaamay diidmada RSF ee xabbad-joojinta mid muujinaysa, in kooxdaasi ay dooneyso inay xoojiso cadaadiska dagaal ee ay ku hayso dawladda, si ay u gaarto guulo militari oo degdeg ah.