Wednesday, July 2, 2025
HomeAll NewsDowladaha Yurub oo Kordhiyay Tallaabooyinka ay Kula Dagaallamayaan Dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladaha Yurub oo Kordhiyay Tallaabooyinka ay Kula Dagaallamayaan Dadka Tahriibayaasha ah.[WARBIXIN]

Dowladaha reer Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii ay u jari lahaayeen waddooyinka  ay soo maraan dadka tahriibayaasha ah, iyagoo heshiisyo la galay waddamada marinka u ah tahriibayaasha si looga hortago tahriibayaasha inay sii wataan safarkooda.

Tallaabadii ugu dambeysay ee waddamada Yurub ee xaaladdan ayaa ah ku dhawaaqista Giriiga ee ah inuu damacsan yahan inuu ciidamo geyo meel u dhow xeebaha Liibiya, halkaas oo ah barta ugu wayn ee ay kasoo dhaqaaqaan tahriibayaasha, si looga hortago inay galaan Yurub.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Roytaris oo la daabacay 23-ka bishii Juun ee shalay inaga idlaatay, ra’iisul wasaaraha Giriiga ninka lagu magacaabo Kiiriyaakoos Mitsuutakiis ayaa ku dhawaaqay, in dalkiisa uu Saddax markab oo kuwa dagaal ah oo laba kamid ah ay yihiin nooca aadka u dheereeya uu geyn doono xeebaha Liibiya si ay uga hortagaan dadka soo galootiga ah ee gaaraya jasiiradaha koonfureed ee Giriiga.

Ra’iisul wasaaraha Giriiga ayaa intaasi ku daray, in tallaabadan ay la kaashan doonaan madaxda Liibiya iyo ciidamada Yurub ee ka howlgala gobolka, ujeeddaduna ay tahay in la diro fariin ah in dadka wax tahriibiya aysan noqon doonin kuwa go’aan ka gaaraya cidda dalkiisa soo galaysa. Waa sida uu hadal u dhigaye.

Labo sarkaal oo ka tirsan dowladda oo arrintan la socda ayaa wakaaladda wararka ee Roytaris u sheegay, in saddexda markab ay ka dhoofi doonaan dalka Giriiga maalmaha soo socda, balse ma cadda sida ay u howlgali doonaan maraakiibta dagaalka ee Giriiga iyo dawrka ay ka qaadan doonaan goobaha baadigoobka iyo samatabixinta ee Liibiya ama biyaha caalamiga ah.

Wargeys kasoo baxa waddanka Giriiga ayaa sheegay, in tan iyo sanadkii 2015-ka Giriiggu lagu tirinayay albaabka ugu weyn ee waddamada Yurub ay kasoo galaan tahriibayaasha ka kala imaanaya Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya, iyadoo intii lagu jiray mudadaas ay ku dhawaad ​​hal Milyan oo qof ay gaareen jasiiradahiisa, taasoo keentay masiibo bini’aadanimo oo aan horay loo arkin.

Laakiinse marinka socdaalka ee Giriiga ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa mid isbedel ku yimid, waxaana hoos u dhac weyn ku yimid soo galootigii ka imaanayay dalka Turkiga, halka Giriiga ay ku soo badanayaan dadka ka imaanaya Liibiya oo ay ugu horeeyaan Suudaaniyiinta iyo sidoo kale dad ka imaanaya Masar iyo Bangaaladheesh.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray kanaalka Yuuro-Niyuus oo la daabacay 11-kii bishii Juun ee Sanadkan 2025-ka, labadii sano ee la soo dhaafay Liibiya ayaa noqotay marinka ugu muhiimsan ee Suudaaniyiinta ka soo qaxaya colaadda Suudaan kuwaas oo u socda Yurub iyagoo sii maraya Giriigga.

Sida lagu sheegay tirokoobyo horudhac ah oo ay soo saartay hay’adda waxa loogu yeero Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, tirada dadka Suudaan ee imanaya Yurub ayaa kor u kacday boqolkiiba 134% shantii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan 2025-ka marka loo eego isla muddadaas sannadkii hore.

Halkaan ka Degso Warbixinta Tahriibayaasha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.