Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay in Dowladda Fedaraalka ay heystaan duruufo badan culeysna ay kala kulmeyso dagaalka ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Saciid Cabdullaahi Dani oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Dowladda Fedaraalka ay heystaan duruufo badan culeysna ay kala kulmeyso dagaalka ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kusii xoogeysaneyso Koonfurta Soomaaliya, taas badalkeedana ay burbur xooggan wajahayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Dani ayaa geesta kale Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay in ay ciidamo ka qoroneyso deegaannada uu ka arrimiyo maamulkooda, isagoona ka digay arrintaas.