Dalka Masar waxaa galinkii dambe ee shalay Talaadadii si lama filaan ah ugu qalibmay Riig lagu qodo goobaha shiidaalka lagasoo saarayo, kaas oo shaqooyin ka waday Gacanka Suweys, gaar ahaan degaanka Jabal Az-Zayt, oo qiyaastii 300 oo Kiiloomitir u jira Kanaalka Suweys.
Shilkan oo dhacay fiidnimadii Talaadada ayaa sababay geerida afar shaqaale oo hawllo ka waday gacanka, halka 22 kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, iyadoo weli la la’yahay illaa 6 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha xarunta. Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Masar ayaa sheegtay, in dhaawacyadu ay yihiin kuwo u badan xanuuno kasoo gaaray dhanka neef-mareenka iyo kuwo kale oo qaba dhaawacyo fudud.
Wasaaradda Batroolka ee dawladda Masar oo ka hadashay dhacdadan ayaa sheegtay, in qalabkan loo adeegsado qodista uu qalibmay isaga oo u socda goob shaqo oo markaas bilow ahayd, wuxuna horay uga shaqeynayay aag muhiim u ah wax soo saarka shidaalka dalka Masar.
Warka kasoo baxay wasaarada ayaa intaas lagu daray, in shilka uusan saameyn ku yeelan doonin maraakiibta ka gudbaysa Kanaalka Suweys, kuwaas oo ka cabsi qaba in dhacdadan ay carqaladayso isu socodka maraakiibta xamuulka ah ee adeegsada marinka Suways.
Warbixin ay soo saartay shirkadda Oskoo oo ka shaqaysa arrimaha shidaalka ayaa lagu sheegay in Riigga qalibmay uu la kulmay cillad farsamo xilli uu ku guda jiray hawlo qodis oo saliid raadin ah, kaas oo u shaqaynayay shirkadda ADES oo ka shaqaysa wax-soo saarka batroolka ee dalka Masar.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhaqaalaha Masar uu marayo marxalad adag, iyadoo Xukumada Qaahira ay horey u waysay Malaayiin Doollar oo dakhli ah, taas oo ka dhalatay saamaynta ku timi marinka Suways, kaddib markii kooxaha Xuutiyiinta Yemen ay bilaabeen inay weerarro ku qaadaan maraakiibta u raran dawladaha reer galbeedka ee mara badda cas, kuwaas oo ka talaabi jiray kanaalka Suwayd ee dalka Masar.