Thursday, July 3, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Sheegay inay Yahuuddu Aqbashay Xabad-Joojin ka Hirgasha Qazza.

Mareykanka oo Sheegay inay Yahuuddu Aqbashay Xabad-Joojin ka Hirgasha Qazza.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay sheegay, in kayyaanka Yahuudda uu ogolaaday xabbad-joojin 60 maalmood ah oo ka dhaqan gasha jidda Qazza, taas oo uu sheegay inay socanaysa, inta lagu guda jiro dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka.

Trump ayaa shaaca ka qaaday, in wakiiladiisa ay kulan dheer oo wax ku ool ah la yeesheen Yahuudda, kaas oo ku saabsanaa dagaalka Qazza, isagoo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay, in dowladaha Qadhar iyo Masar ay soo bandhigi doonaan hindisaha kama dambaysta ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa intaasi ku daray, in Yahuudda ay aqbashay shuruudaha lagama maarmaanka u ah dhamaystirka heshiiskan, isagoo dhanka kale, tilmaamay, inuu rajaynayo, inay muqaawamada Falastiin aqbalaan.

Warbaahinta Yahuudda oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin oo xog-ogaal u ah wada-xaajoodyada dadban ee u socda muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda ayaa sheegay, in ay suurtogal tahay in heshiis la gaaro, balse uu weli jiro khilaaf u dhexeeya labada dhinac.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in waxyaabaha ugu waaweyn ee la isku mari la’yahay ay yihiin qodobada lagu soo afjarayo dagaalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay ka bixitaanka ciidamada Yahuudda ee marinka Qazza.

Ku dhawaaqista Trump ayaa kusoo beegmayso, iyadoo tan iyo waabarigii maanta ay Tobaneeyo qof oo rayid ah ku shahiideen kuna dhaawacmeen duqeymo xooggan oo ay Yahuuddu  ku qaaday deegaanno dhowr ah oo ku yaalla marinka Qazza, iyadoo lagu soo waramaya, in ugu yaraan 1,500 oo qoys ay ka barakaceen waqooyiga Qazza iyo sidoo kale qeybta bari ee magaalada Qazza.

Ciidamada Yahuudda ee duulaanka ku jooga marinka Qazza ayaa Talaadadii shalay sheegay, inay ballaariyeen baaxadda weerarradooda cashwaa’iga ah ee ay ku xasuuqayan haweenka, carruurta iyo waayeellada ku nool  marinka go’doonsan ee Qazza.

Heshiiskan cusub ee uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale imaanaya, iyadoo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay maalmahan danbe dardar galiyeen weerarrada ay ku dhiig-bixanayaan ciidamada gumeystaha Yahuudda ee duulaanka kusoo galay kuna jooga marinka Qazza, millatariga muqaawamada ayaana maalmihii lasoo dhaafay dhagta dhiigga u daray askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada dulmiga badan ee Sahaayinada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.