Xukuumadda Ukraine ayaa maalintii shalay sheegtay, in weerar loo adeegsaday diyaaro nooca aan duuliyaha lahayn ah ay dowladda ka qaaday caasimadda dalkaasi ee Kyiv.
Weerarkan ka dhacay magaalada Kyiv ayey xukuumadda Ukraine sheegtay iney ka dhashaeen dhaawacyo soo gaaray 3 ruux.
Mas’uulka dowladda Ukraine ee magaalada Kyiv ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradaha ay ku dhacday dhisme aan la deganeyn oo ku yaalla magaalada, kasoo ay waxyeello ugeystay.
Dhinaca kale xukuumadda Ukraine ayaa saakay weerar loo adeegsaday Drones ku qaadday dalka Ruushka, waxayna xukuumadda Mooskoow oo hadashay sheegtay, in subaxnimadii hore ee maanta ay soo weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, mandiqadda Karasnodar ee katirsan wadanka Ruushka.
Waxay intaasi ku dareen in 1 ruux uu ku dhaawacmay burburka mid kamid ah diyaaradaha lagu soo weeraray mandiqadda.