Weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta magaalada Muqdisho kula beegsadeen, masuul katirsan maamulka deegaanka Garas-baalley ee Dowladda Fedaraalka.
Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday, hoogya uu taliyaha canshuurta ee maamulka deegaanka Garasbaaley ka daganyahay xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Masuulkaan la doonayay in la khaarajiyo ayaa si dirqi ah ku badbaaday, balse waxaa uu burbur xooggan soo gaaray gurigiisa iyo gaari uu isagu lahaa oo xilligii la beegsanayay dhex yiillay guriga.