Saacadihii lasoo dhaafay waxaa degaanka Agabar oo hoostaga degmada Gabiley ee gobolka Waqooyi-Galbeed ka dhacay, iska hor imaad dhexmaray ciidanka Booliska maamulka la baxya Soomaaliland iyo dadka degaanka.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ay dadka degaanku diideen shirkad rabta in ay macdan ka qotaan halkaasi, kadibna waxay ciidanka Booliska maamulka la baxay Soomaaliland dileen labo qof oo shacab ah oo kamid ah dadkii kasoo horjeestay arrintaas.