Maalintii shalay waxaa degmada Warsheekh ee gobalka Sh-dhexe ka dhacay, shil gaari oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa waxaa galay gaari ka baxay magaalada Muqdisho islamarkaana kusii jeeday qeybo kamid ah gobalka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay shilkaan ka dhacay degmada Warsheekh ee gobalka Sh-hoose, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro darawalkii gaariga.