Friday, July 4, 2025
HomeAll NewsDagaal ka Qarxay Gobalka Tigree oo Mudooyinkii Lasoo Dhaafay ay ka Taagneyd...

Dagaal ka Qarxay Gobalka Tigree oo Mudooyinkii Lasoo Dhaafay ay ka Taagneyd Xiisad Dagaal.

Dagaalladaan oo u dhaxeeya jabhad ka go’day TPLF oo la rumeysan yahay iney taageero ka heleyso Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa waxa ay ka dhaceen gobalka Tigree woqooyiga Itoobiya.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xadka ay wadaagaan Canfarta iyo Tigreega, waxaana uu dagaalku yimid kadib markii jabhadda ka go’day kooxda TPLF ay isku dayeen iney soo aadaan dhanka gobalka Tigreega.

Kooxda TPLF oo ka warheysay dhaqdhaaqa jabhadda ayaa waxa ay dagaal kala horgaftay xubnahaan horay uga tirsanaa, illaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.