Mowjada Kulayl ah oo aan horay loo arkin ayaa ku dhuftay waddamada Yurub oo dhan bilowga xagaaga sanadkan 2025-ka, taasoo kor u qaadaysa walaac baahsan iyadoo ay jiraan digniino la xiriira cimillada kulul oo ka imanaya hawlwadeennada caafimaadka iyo saadaasha hawada ee dalal dhowr ah oo dhaca qaaradda Yurub, halka waddamada qaar laga soo calaamadeeyay dad u dhintay kulayl dartii.
Rikoorkii ugu sareeyay ee heerkulka ayaa laga diiwaan geliyay waddamada Ingiriiska, Isbayn, Bortaqiiska, Jarmalk, Faransiiska iyo Talyaaniga, iyadoo celceliska heerkulka meelaha qaar uu dhaafay 40 dhigrii, taasoo dhaaftay diiwaankii hore ee bishii Juun ee lasoo dhaafay.
Sadax qof ayaa Arbacadii ku dhintay xeebaha dalka Talyaaniga kulaylka awgiis, halka ruux kalana uu miirkiis ku waayay, sida ay sheegeen dhaqaatiirta caafimaadka iyo kooxaha gurmadka ee dalkaas.
Talyaaniga ayaa in ka badan todobaad waxaa ka jira kulayl daran, waxaana Arbacadii digniino la xiriiri cimillada kulul laga soo saaray 18 magaalo, halka meelo badan oo ka tirsan dalkaas laga soo sheegay koronto la’aan.
Dalka Faransiiska, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay isbadalka cimallada awgeed, halka in ka badan 300 ay heleen daryeel degdeg ah oo ka yimid kooxaha gurmadka. Heerkulka ayaa kor u dhaafay 41 dhigrii koonfurta iyo bartamaha Faransiiska.
Sidoo kale, waddamada, Talyaaniga, Giriigga, Bortaqiiska, Faransiis, iyo dowlada dhaca galbeedka Balqaan-ka ayaa waxaa ka jira mowjado kulayl daran oo sababay dab ka kacay keymo badan.
Tusaale ahaan waddanka Al-Baniya, 26 dab oo ka kacay kaymo ayaa laga soo calaamadeeyay maalmihii Axaddii iyo Isniintii ee lasoo dhaafay, halka Turkiga, in ka badan 50 Kun oo qof la daadgureeyay, sababo la xiriira dab weyn oo ka kacay dalkaas, cimillada kulul awgeed.
Sida laga soo xigtay warbixinnada sanadlaha ah ee waxa loogu yeero ururka caafimaadka adduunka, cimillada kulul ee Yurub waxay galaaftaa nolosha in ka badan 175 Kun oo qof sannadkiiba, tiradan ayaa la filayaa inay kor u kacdo sanadkan haday xaaladda sidaan kusii socota.