Saturday, June 7, 2025
HomeAll NewsKooxaha Kacdoon Wadayaasha Suuriya oo la Wareegay Deegaanno Horleh.

Kooxaha Kacdoon Wadayaasha Suuriya oo la Wareegay Deegaanno Horleh.

Kooxaha Kacdoon Wadayaasha ee ka ka Dagaallamaya Suuriya ayaa Deegaano Cusub oo katirsan Gobolka Xalab Gacanta ku Dhigay, iyadoo Marba Marka ka Dambeysa Dagaalka Ka Sameynaya Horumarro kala Duwan.

Iyadoo wali uu socdo howlgalka ka dhan ah Nidaamka Nuseyriga ee maalintii shalay looga dhawaaqay Waqooyiga Suuriya, ayaa waxay saacadihii lasoo dhaafay kooxaha kacdoon wadayaashu la wareegeen deegaano hor leh oo dhaca Galbeedka gobolka Xalab ee wadanka Suuriya.

Deegaannada ay lawareegeen waxay kala yihiin: Owram As-Suqraa iyo Al-Howtah iyo Jamciyatu-Sacdiyah, waxayn deegaannada kula wareegeen dagaallo adag oo ay la galeen askarta nidaamka Nuseyriyada, waxay ka furteen 5 gaawri oo kuwa gaashaam ah, gaari,BMP ah, iyagoo sido kale dagaalladan ku qabtay 6 askari oo maxaabiis.

Weerar kale oo loo adeegsaday diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ah, ayey ku qaadeen garoonka lagu magacaabo Nayrab ee ku yaalla Bariga Xalab.

Muuqaal ay baahiyeen ayaa muujinaya diyaaradahan oo si too sh uweeraraya garoonka.

Howlagallada kasocda waqooyiga suuriya waa kuwo isdaba jooga ah, waxaan sido kale kooxaha kacdoon wadayaasha gacantooda soo galay, labo magaalo kle oo dhaca Galbeedka Xalab, islamarkaana kala Arnaaz iyo Kufar-Basiin, kuwaasoo ay kala wareegeen malleeshiyaadka ay taageerto xukuumadda Shiicda ah ee Iiraan.

Intii ay socdeen dagaalladan ka dhacay Galbeedka Xalab ee lagula jiro Malleeshiyaadka ay taageeto Iiraan iyo Nuseriyada, waxaa maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaallada ka dhacaya halkaasi labo kamid ah malleeshiyada ay Taageerto Iiraan, sida lagu sheegay war lagu soo qoray, barta Telegram ee lagu magacaabo Idaaratul-Camaliyaad Al-Caskariya, ee lagu baahiyo wararka rasmiga ah ee ku saabsan howlagallada ay fulinayaan kooxaha Kacdoon wadayaasha.

Iaydoo uu sidaasi dagaalku usocdo hadane barbar socda kalimaadka ay jeedinayaan hormuudka kadoon wadayaasha, waxayna muuqaallada ka imaanya halkaasi isku soo tarayaan si isdaba jooga ah.

Waakan د.مظهر الويس oo kalimad ujeedinaya ciidamo aad u xooggan oo ay usoo diyaareen iney ka qeybqaataan howlgalkan islamarkaana wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocayadiisa kala duwan.

Marka la fiiriyo muuqallada ka imaanaya  Waqooyiga  Suuriya, Waxaa muuqaneysa in howlgalkan ay ku dhaaqeen kooxaha kacdoon wadayaasha uu yahay mid ay aad ugu soo diyaar garboobeen, islamarkaana la qorsheynayay in muddo ah, kaasoo xilligan lama filaan iyo fajaciso ku noqday Nidaamka Nuseyriga ah ee uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.