Dalka Itooobiya oo ay dhibaatooyin kala duwan ku wajahayaan dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa laga soo sheegayaa xadgudubyo horleh ah oo ka dhan ah Muslimiinta ku dhaqan dalkaas.
Maamulka gobalka Tigree ee woqooyiga Itoobiya ayaa sare uqaaday, cadaadisyada ku salaysan nacaybshiyaha diimeed ee ka dhanka ah dadka muslimiinta ah ee ku nool deggaannadaasi.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ee gobolka Tigrey ayaa lagu eedeeyay cadaadis iyo takoor-diimeed oo lagula kacay arday Muslimiin ah, gaar ahaan gabdho xijaaban, kuwaas oo laga hor istaagay inay u fariistaan imtixaanka fasalka 12-aad.