Faadumo Maxamuud waxa ay kamid 22 tahriibayaal Soomaali ah oo ay dhawaan doon kula qallibantay xeebaha u dhaxeeya dalalka Al-Jeeriya iyo Spain.
Faadumo ayaa kaligeed ka badbaaday doontaas, halka ay ku dhinteen 21 ruux ee kale ee la socday doonta.
Haweeneydaan oo dalka dib ugu soo laabatay ayaa waxa ay ka warbixisay qaabka ay udhacday dhibaatadaas ay wajaheen iyo sida ay kaga soo badbaaday badda.
Waxa ay geesta kale dhalinyarada Soomaaliyeed uga digtay iney tahriibaan oo ay naftooda halis galiyaan.