Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya, in qarax lagu beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo marayay duleedka Masagawaay, qaraxa ayaana dhaliyay dhimashada 3 askari iyo dhaawaca mid kale.
Weerarakan ayaa kusoo aadaya iyadoo gelinkii hore ee maanta, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen isbaaro ay ciidamada Dowladda Federaalka ku lahaayeen duleedka deegaanka Masagawaay.
Weerarka ayaa lagu dilay ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo laga soo furtay qoriyaashii ay wateen.