Friday, July 4, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Hakiyay Taageeradii Ukraine Kadib Gabaabsi ku Yimid Keydkiisa Hubka.

Mareykanka oo Hakiyay Taageeradii Ukraine Kadib Gabaabsi ku Yimid Keydkiisa Hubka.

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay joojisay dirista qaar ka mid ah hubkii ay horey ugu ballanqaadday dawladda Yukrayn, taas oo ay ku jiraan gantaallada difaaca cirka iyo noocyo kala duwan oo hub ah.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Bentagon-ka ay muujisay walaac xooggan oo ku saabsan gabaabsi laga dareemayo kaydka hubka ee gudaha dalka, iyada oo la eegayo danaha istaraatiijiyadeed ee Maraykanka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Maraykanku uu lugaha lasii galayo xaalad dagaal oo ka qaraxda mandiqada loogu yeero Bariga dhexe, isaga oo dareemaya dhaqaala burbur baaxad leh, dhanka kalana meesha ka saaray taageeradii uu la garab taagnaa askarta Yukrayn, kuwaas oo duulaankii ugu adkaa kala kulmaya ciidamada Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.