Friday, July 4, 2025
HomeAll NewsIn Ka Badan 10 Sano oo Lagu Xukumay Nin Jaga Sare Kasoo...

In Ka Badan 10 Sano oo Lagu Xukumay Nin Jaga Sare Kasoo Qabtay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka.

Maxkamad ku taalla magaalada Mosco ee caasimadda Ruushka ayaa ku xukuntay 13 sano oo xarig ah wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda difaaca ee Ruushka ninka lagu magacaabo Taymuur Iifanoof, kadib markii lagu helay inuu lunsaday 3.9 bilyan oo lacagta Ruushka ah, taas oo qiyaastii u dhiganta 50 milyan oo Doolarka Mareykanka ah, waana mid ka mid ah kiisaskii ugu caansanaa ee musuqmaasuqa ee soo mara ciidamada Ruushka tan iyo bilowgii dagaalka Yukrayn.

Arintaani ayaa qayb ka ah ol-ole ballaaran oo ay bilaabeen mas’uuliyiinta Ruushka tan iyo sannadkii hore si ay u dacweeyaan saraakiisha sar-sare ee militariga Ruushka oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waxaana illaa iyo hadda dacwad lagu soo oogay in ka badan Toban qof, oo ay ku jiraan laba wasiir ku xigeen oo hore, kuwaas oo horay jagooyin uga soo qabtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.