Isagoo ka qeyb galayay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika, ayuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar ninka lagu magacaabo Bader Cabdil Caadhi, ayaa waxa uu ka hadlay xaalaadda cakiran iyo culeysyada dhaqaale ee uu wajahayo duullaanka ay ciidamada Shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya.
Wasiirkaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay walaac xooggan ka qabaan awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee kusii baaheysa Soomaaliya iyo wadamada dhaca geeska Afrika, taas oo uu ku sheegay mid halis ku an amniga mandiqadda sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale tibaaxay, in haddii aan waxba laga qaban xaaladda dhaqaale xumi ee uu wajahayo duullaanka Shisheeye ay keeni saameyn dhinaca amniga ah oo ka dhacda Soomaaliya iyo geeska Afrika.