Iyadoo dhawaan uu masuul katirsan Dowladda Fedaraalka nin darawal ah ku dilay duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku qasbayay inuu si xoog ah ku codeeyo, ayaa waxaa arrinkaasi dafiray guddiga doorashooyinka uqaabilsan Xasan Sheekh.
Cabdikariim Axmed oo ah gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu si cad u dafiray, in darawalka loo dilay doorasho darteed.
Ehellada darawalka la dilay oo kol sii horreysay warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay ka warrameen sababta loo dilay wiilkooda, taas oo ay iminka beenisay Dowladda Fedaraalka.